U bood dhigaalka

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hiiraan Oo Shaki Ka Muujisay Hanaanka Loo Qeybinayo Gurmadka B/weyne

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Hiiraan Sheekh Ibraahim Xasan Cabdulle oo warbaahinta kula hadlay magaalada B/weyne ayaa sheegay in mugdi badan uu ku jiro hannaanka ay guddiga gurmadka gobolkaasi wax ugu qeybiyeen shacabkii ay saameysay fatahaadda.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in aan lagala tashan dhismaha guddigan, wuxuuna tilmaamay iney jirto hadalhayn badan oo shacabka ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in aanay jirin cabasho lasoo gaarsiiyay maxkamadda, balse uu arkay dad badan oo cabasho ah islamarkaana sheegaya in la musuqay gurmadkii.

Waxa uu ka codsaday guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyaan qoraallo caddeyn ah oo muujinaya sida ay wax ku qeybiyeen.

Guddigan gurmadka ee ka howlgala magaalada B/weyne ayaa waxaa dhisay maamulka gobolka Hiiraan si gacan ka madaxbanaan maamulkooda ay shacabka wax u gaarsiiso loogana fogaado musuq dhaca.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News