U bood dhigaalka

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Nugaal Oo Shaacisay Waqtiga Ay Go’aan Ka Gaareyso Kiiska Caasha Ilyaas

Sheeko:Dalka

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Axad ah waxa ay soo gabagabeysay dhageysiga wejiga Labaad ee kiiska Caasha Ilyaas oo dhowaan lagu kufsaday Gaalkacyo kadibna la dilay.

Qareennada u doodaya Saddexda eedeysane ayaa soo bandhigay waxyaabo badan oo ay ku difaacayaan eedeysanayaashan, iyadoo dhanka kalena lasoo bandhigay caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan in raggan la hayo kufsadeen ayna dileen Caasha Ilyaas.

Dhageysi dheer kadib, maxkamadda ayaa sheegtay in maalinta Arbacada gabi ahaamba lasoo gabagebyn doonto kiiskan, lana shaacin doono go’aanka maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal.

Maxmadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa horey xukun dil ah ugu riddey Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, halka lasii daayey 10 kale oo kiiskan ku eedeysnaa kadib markii dambi lagu waayay.

Goobjoog News