U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Aqbashay Natiijada Doorashadii Dhacday 13-kii November

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqday natiijadii rasmiga ahayd ee doorashadii 13-kii bishan ka dhacday deegaannada Somaliland.

Waxay maxkamaddu go’aamisay in doorashada madaxtooyada Somaliland ay ku guuleysteen musharraxiintii xisbiga Kulmiye ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Professor Aadan Xaaji Cali oo ay dhinac fadhiyeen garoosaraasyaha maxkamaddaasi ayaa sheegay inaanay jirin cid cabasho kasoo gudbisay natiijadii horudhaca ahayd ee ay usoo gudbiyeen guddiga doorashada ee Somaliland.

“Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah waxay ansixisay natiijada KMG ah doorashada madaxtooyada 2017-ka ee ay usoo gudbiyeen guddiga doorashooyinka qaranka oo ah sidan, Xisbiga UCID oo helay 23,141 cod oo u dhiganta 4.17%, xisbiga Kulmiye oo helay 305,909 cod oo u dhiganta 55.1% iyo isbiga wadani oo helay 226,029 cod una dhigantay 40.73%, taas oo sharci ah in xisbiga Kulmiye oo helay tirada ugu badan ee cododka kuna guuleystay tartanka doorashada, musharraxiintiisana ku guuleysteen xilalka madaxtooyada Somaliland” ayuu yiri Guddoomiye Aadan.

Doorashadii 13-kii bishan ka dhacday Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay xisbiga Kulmiye oo uu musharrax madaxweyne u ahaa Muusi Biixi.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada