U bood dhigaalka

Meydka Nin La Sheegay Inuu Is Deldelay Oo Laga Helay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Meydka Nin la sheegay inuu is deldelay ayaa laga helay duleedka deegaanka Ceeldheere oo u dhaxeeya degmooyinka Dhuusmaareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

C/raxmaan C/laahi Raage oo ah guddoomiyaha deegaanka uu ninkaan isku diley ayaa u sheegay Goobjoog News, in ninkaan uu isku deldelay uuna qoorta isaga xiray macawiis uu watey, iskana lalmiyey geed halkaasi ku yaallay.

Waxa uu guddoomiyaha sheegay in kahor inta aanu ninkaan is deldelin ay is arkeen nin reer Miyi ah oo weydiiyey halka uu ka yimid, wada hadal kadibna uu halkaasi isaga sii tagay ninkii reer Miyiga ahaa waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Fal aad u naxdin badan ayuu ahaa, ninkaan wuxuu isku deldalay meel deegaanka 3-KM u jirta, annaga meesha markaan tagnay baaaritaanno kale ayaan sameennay si aan u ogaanno in dad kale ay arrintaan ku leeyihiin, balse raad kale ayaan meesha ka weynay, waxa uu nin reer Miyi ah u sheegay inuu ka yimid deegaanka Oodaale, kahor inta aanu is deldelin, annagana weli baaritaanka ayaan wadnaa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Meydka ninka isku deldelay deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud, waxaa hadda loo qaaday degmada Dhuusamareeb iyadoo la raadinayo ehlada ninkaasi.

Goobjoog News