U bood dhigaalka

Midawga Africa oo cambaareeyay duqaymaha Israel ee Marinka Qaza

Sheeko:Dalka

Midawga Africa ayaa cambaareeyay duqaymaha ay dowladda Israel ay ka gaystay marinka Gaza, intii lagu gudajiray todobaadkaan.

Guddoomiyaha midawga afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay duqaymaha iyo gabood fallada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ay fulisay xikuumadda Yahuudda.

“In la beegsado dad rayid ah waa tallaabo kasoo horjeeda xeerarka caalamiga ah, Midowga Afrika wuxuu Falastiin ku taageerayaa dadaallada ay ku doonayaan inay ku noqdaan dal madaxbanaan oo ay caasimaddiisu tahay Bariga Quddus” ayuu yiri Moussa Faki Mahamat.

Duqayma is-xig-xiga oo ay ciidamada Yahuudda ka fuliyeen Qaza ayaa waxaa ku dhintay muslimiin badan oo reer Falastiin ah.

Goobjoog News