U bood dhigaalka

Midawga Yurub oo shaaciyay in uu lacagaha ka jarayo dalka Hungary

Sheeko:Dalka

Midawga Yurub ayaa shaaciyay in uu lacagaha ka jarayo dalka Hungary, oo kamid ah dalalka xubinta ka ah midawga.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya  xilli guddiga fulinta midawga Yurub ay sheegeen in uu batay musuqa ka jira dalkaa, sidoo kalena ay yaraatay kalsoonida dimoqoraadiyadda ee Hungary.

Johannes Hahn oo ah guddoomiyaha guddiga miisaaniyadda Midawga Yurub ayaa sheegay in Hungary ay jabisay shuruucda Midawga.

“Waxay ku saabsan tahay jebinta sharciga oo wax u dhimaya isticmaalka iyo maareynta lacagaha EU,” ayuu yidhi Johannes Hahn oo ku sugan Brussels.

Lacagaha ay lumin doonto dowladda Hungary ayaa gaareysa 7.5 bilyan oo Euro, oo loo qoondeeyay in helo dalkaas.

Goobjoog News