U bood dhigaalka

Mooshin Laga Keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in ay mooshin ka gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Cismaan Barre Maxamed.

40 xildhibaan oo ku kulmay Jowhar ayaa sheegay iney shaqada ka joojiyeen si KMG ah guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, sababtuna waxay ku sheegeen shaqo gudasho la’aan.

Xildhibaan C/weli oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Hirshabelle, islamarkaana wada Mooshinkaan ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee arrintan ku kalliftay tahay guddoomiyaha oo iska dhego tiray shaqooyinka sharciga ah ee baarlamaanka.

Waxa uu tilmaamay in mooshin ay ka keeneen madaxweynaha Hirshabelle uu diiday inuu qabto guddoomiyaha, sidaasi darteedna ay u gubiyeen guddoomiye ku xigeenka Koowaad sida sharciga qabo, go’aamiyeenna in shaqada ay si KMG ah uga joojiyaan guddoomiyaha, howshoodun ay sii wadan.

Waxaa soo noqnoqatay mooshinnada ay xildhibaannada baarlamaanka Hirshabelle ka keenayaan madaxda sare ee maamulkaasi, iyadoo marar badan oo kale ay u keeneen xildhibaannadan, hadane arrinta si hoose loo xalliyey.

Goobjoog News