U bood dhigaalka

Mooshin Loo Gudbiyey Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Xubno ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa gudbiyay mooshin lagu ilaalinayo hantida dowliga ah ee degaannada maamulkaasi.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi ayaa u sheegay Goobjoog in guddoonka baarlamaanka ay gaarsiiyeen mooshinkaan iyaga oo gaaraya 31 mudane.

Wux uu tilmaamay xildhibaanka in shaqsiyaad gaar ah oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo senator ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay la wareegeen xarumo badan oo dowladda leedahay, ayna dhisanayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Mooshinkaan runtii wax badan buu umadda u tarayaa, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo shaqsiyaad kale ayaan aragnaa iney dabaqyo ka dhisanayaan guryahii danta guud, sidaasi darteed waa inaan go’aan degdeg ah kasoo saarnaa” ayuu yiri xildhibaanka.

Ugu dambeyn, xildhibaan Nuur Xaasho ayaa sheegay in sharciga ay la tiigsan doonaan cid kasta oo isku dayda inay sii heysato hantida dadweynahya.

Goobjoog News