U bood dhigaalka

Mudaaharaad Looga Soo Horjeedo Mooshinka Laga Geeyay Baarlamaanka Jubbaland Oo Ka Dhacay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo mooshin ay xildhibaanka ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ka geeyeen baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Shacabkaan ayaa shalay iyo maanta la sheegay in ay socod ku mareen xaafadaha magaalada Kismaayo ay ka kooban tahay, waxaana ay sheegeen in marnaba aysan raali ka noqon doonin mooshinkaasi.

Mooshinkaan ayeey ku sheegeen in ay wadaan xildhibaano dano gaar ah leh, iyaga oo ku sifeeyay in ay yihiin kuwo laaluush qaata waa sida ay dadka hadalka u dhigeene.

Shacabka dibadbaxa dhigayay ayaa watay Boorar waaweyn, waxaana meel fagaaro ah kala hadlay mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Jubbaland.

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa baarlamaanka Jubbaland waxa ay ka gudbiyeen mooshin, kaasi oo shalay iyo maanta doodiisa socoto, waxaana mudanayaasha ay sheegeen in baarlamaanka Jubbaland dhismahiisa aan loo marin qaab waafaqsan Dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Goobjoog News