U bood dhigaalka

Mukhallisiin iyo 35 Qof oo Tahriibayaal Yurub u Socday Ayaa Lagu Qabtay Dalka Mauritania

Sheeko:Caalamka

Ciidamada ammaanka dalka Mauritania ayaa qabtay labo nin oo mukhalisiin ah oo u kala dhashay dalalka Senegal iyo Mali, kuwaas oo tahriibinayay 35 qof oo sharci darro ah dalka Spain.

Ilo wareedyo ay heshay wakaaladda wararka ee dalka Turkiga ee Anatolia ayaa sheegay in koox ka tirsan ciidamada amniga dalka Muritania ay u suurtogashay iney qabtaan labadan nin ee mukhalisiinta ah oo isku dayay iney 35 qof oo muhaajiriin ah u tallaabiyaan dalka Spain si qarsoodi ah, iyagoo waliba adeegsanaya doon yar oo ka socdaalaysay magaalada xeebta ah ee Noaveb iyagoo dadkaasi si gaar ah ay ugu waajahnaa jasiiradaha Canary ee dalka Spain.

Labadan nine ee mukhilisiinta ah ayaa wararku sheegayaan iney u kala dhasheen dalalka Senegal iyo Mali, iyadoo aan la ogeyn dadka tahriibayaasha ah ee 35 qof jinsiyadahooda iyo wadamada ay ka soo jeedaan.

Waxaa xusid mudan in jasiiradda “Noaveb” ee dalka Mauritania ay isku bedeshay sanadihii la soo dhaafay meel ay si qarsoodi ah uga dhoofaan dadka muhaajiriinta ah ee doonaya iney u tallaabaan Yurub.

Dalka Mauritania iyo Spain ayaa sanadkii 2003 kala saxiixday heshii amni oo ku aaddan dhanka dadka tahriibayaasha ah ee doonaya iney si qarsoodi ah ugu gudbaan dhanka Spain.

Sida laga soo xiganayo mas’uuliyiin dalka Mauritania ah ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xakameynta dadka muhaajiriinta ah ee sida qarsoodiga ah ugu dhoofaya qaaradda Yurub ee marinka ka dhigtay dalkooda.

Goobjoog News