U bood dhigaalka

Muqdisho: 15 Qof  Barakacayaal Ah Oo Gaajo U Dhintay, Maamulka Banaadir 4 Maalmood Xerada Wax Cunto Ah Ma Geyn

Sheeko:Dalka

15 qof ayaa ku dhimatay xero barakacayaal ay ku noolyihiin oo ku taallo degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, xeradan waxaa ku nool 1500 oo qof, waxaa ay ka mid tahay 3 xero oo maamulka gobolka Banaadir u qeybiyeen dadka ka soo barakacay gobollada dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo xeryahan cuntada siin jiray waxaa uu ku guuldareysteen in dadkaasi quudiyaan 4tii maalmood ee la soo dhaafay.

Sida ay sheegeen maamulka Xeradan waxaa ka dilaacay jadeeco iyo cudurro kale, waxaa ka howl-gala oo keliya 2 dhakhtar oo maalintii qaabila in ka badan 60 bukaan ah.

Weriyaha Goobjoog News ayaa la hadlay hooyo maalin ka hor ninkeeda uu ku geeriyooday xerada, labo caruur ahna jadeeco uga dhaceen ayaa weydiiyay heerka xauunka“Caruurta jadeeco ku dhacday, jadeecaa qabaan labadooda..daawaa rabaan, caano booro cabbaan xataa malaha”  sida waxaa tiri Arbacow oo murugeysan.

Mid ka mid ah howl-wadeennada caafimaadka oo Goobjoog News la hadlay waxaa uu ka sheeganayaa dhakhaatiir yari xerada ka jirta“Waxaan hakan ka howlgalnay 1da May illaa hadda, waxaan qaabilnay 500 oo qof, maalintii waxaan qaabilnaa wax ka badan 60 qof oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn, cudurada ugu badan ee caruurta lagu arkay waa jadeecada, waa la isku gudbiyaa oo hal buush ayey ku nool yihiin, dadka waaweyna nafaqo darro ayaan ka daaweynaa, waxaa jooga halkan 2 dhakhtar mid caruurta ah iyo mid dadka waaweyn”.

Guddoomiyaha xerada Kaxda oo Goobjoog News la hadlay waxaa uu sheegay in 15 qof ay xerada ku dhinteen “Xeradan waxaa geeriyootay illaa iyo hadda 15 qof, 9 ka mid ah waxaa ay u geeriyoodeen nafaqo darro, inta kale xanuun jadeeco iyo dhiig la’aan ayey u dhinteen, qaarkood istaagga ayey ka dhaceen….dhibka ay dareemayaan waa baahi, 24kii saac hal mar ayey wax cunaan, raashinkii halka mar la cuni jiray xitaa muddo 4 maalmood ah lama haayo”

Goobjoog News