U bood dhigaalka

Muqdisho Oo Lagu Soo Gabogabeeyay Shirka Diyaarinta Hanaanka Dib U Heshiisiinta Qaran

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyey maanta shirka diyaarinta hannaanka dib u heshiisiinta qaran, kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waxaa maanta la dhageystay talooyinka bulshada rayidka ah, iyadoo shalayna la dhageystay talooyinka mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda.

Shirkan ayaa Muddo labo Maalin ah waxaa uu ka socday Muqdisho waxaana Maanta diiradda lagu saaray dhageysiga talooyinka bulshada kuwaasi oo ku aadan diyaarinya hanaanka dib u heshiisiinta qaran.

Wasiiru dowladaha Wasaaradda arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta C/laahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in ay wadi doonaan wadatashiyada ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ilaa inta laga gaarayo bisha December ee dhammaadka Sanadkan kadibna uu xigi doono Shirweynaha dib u heshiisiinta qaran kaasi oo sida uu sheegay ay ka qeyb-gali doonaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidk.

Shirkan ayaa shalay waxaa uu ka Furmay Muqdisho iyada oo wajigiisa koowaad lagula tashanayay hay’adaha kala ee dowladda Soomaaliya halka maantana aragtiyo looga dhageystay bulshada rayidka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada