Muran Ka Taagan Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay Wasiirkii Maaliyadda Hirshabelle

Xildhibaan Maxamed Cadow oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kahor yimid xil ka qaadis uu maalintii shalay ahayd madaxweynaha maamulkaasi ku sameeyay wasiirkii maaliyadda ee maamulkaasi.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in madaxweyne cosoble uu jebiyey heshiis Todobaadkii hore ay xildhibaannada iyo isaga ku gaareen magaalada Jowhar kaasi oo ahaa mooshinkii ay wadeen xildhibaannada in la joojiyo iyo sidoo kale in madaxweynaha aanu isbedal ku sameyn golahiisa wasiirada muddo Saddex Bil ah.

“Madaxweynaha waxa uu jebiyey heshiis aan la galnay haddii aan nahay xildhibaannadii mooshinka ka keenay isaga, ballantu waxay ahayd inaanu madaxweynaha sameyn isku shaandheyn ama xil ka qaadis wasiirada ah iyo sidoo kale annaguna inaan la laabanno mooshinka” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale xildhibaan Cadow ayaa sheegay in madaxweyne Cosoble uu kaligiis isku koobay awooddii maamulka, shaqo aan socon, muddo 9 bil ahna aan la qaban shaqo muuqata.

“Madaxweynaha wuxuu iloobay inuu cod ku yimid, wuxuu jebiyey heshiiskii la gaaray, waxa uu maroorsaday awooddii maamulka, kali talis ayuu noqday, arrintiisana baarlamaanka ayaa go’aan ka gaari doona” ayuu hadalkiisa raaciyey xildhibaanka.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi cosob ayaa xil ka qaadis ku sameeyey shalay, wasiirkii maaliyadda maamulkaasi Maxamed  Maxamuud Cabdulle, waxaana xilkaasi loo magacaabay Zaki Cabdi Xaraare.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW