U bood dhigaalka

Musharraxiin Madaxweyne Oo Ololahooda Ka Bilaabay Jowhar

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in 12-ka bishan oo ay inaga xigto 7 cisho oo kaliya ku doortaan magaalada Jowhar madaxweynaha maamulkaasi, kadib markii ay xilka ka qaadeen madaxweynihii hore ee Hirshabelle.

Hadaba waxaa durba magaalada soo gaaray xubno isku soo sharaxay xilka madaxweyne ee Hirshabelle, waxaana ay olole ka bhilaabeen magaalada Jowhar.

C/kariin Cali Nuur, waxa uu noqday shaqsigii ugu horreeyay ee isku soo sharaxay xilka madaxweynaha Hirshabelle, waxaana uu sheegay in isbedal badan uu sameyn doono.

Musharraxa ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto xilkan uu u tartamayo uu isbedal keeni doono, waxna ka qaban doono ammaanka, waxbarashada iyo caafimaadka.

Waxaa jira musharraxiin kale oo iyaguna doonaya in sidan oo kale olole uga bilaabaan magaalada Jowhar.

Todobaadkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Jowhar ku qulqulayey siyaasiyiin badan oo Hirshabelle ah,  iyadoo amniga guud ee magaaladasina aad loo adkeeyay.

Goobjoog News