U bood dhigaalka

Musharrixiinta Aqalka Sare Ee Galmudug Oo U Khudbeeyay Baarlamaanka Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Musharrixiinta aqalka sare ee ka imaanaya dowlad goboleedka Galmudug ayaa galabta ka hor khudbeeyay baarlamaanka maamulkaasi oo soo dooran doona.

Khudbooyinka ay jeediyeen mudanayaasha oo intooda badan u badnaa ka hadalka waxyaabaha ay qaban doonaan waxaa mid kasta oo kamid ah uu baarlamaanka Galmudug ka codsanayay in uu helo codka kalsoonida si uu uga mid noqdo xubnaha aqalka sare ee Galmudug ku matalaya dowladda federaalka.

Kulankii baarlamaanka ee Galmudug ayaa lagu dhagaystay dhammaan khudbooyinka musharrixiinta aqalka sare ee Galmudug oo dhowaan uu soo gudbiyay madaxweynaha inkastoo dib ay ugu celiyeen guddiga doorashooyinka.

Khubadaha ayaa musharrax kasta wuxuu diiradda ku saaray sababta ku kalliftay inuu is sharaxo iyo waxa uu u qabanayo bulshada uu ku matalayo aqalka sare ee Galmudug.

Magaalada Cadaado waxaa maalmihii dambe ka jirey olole ballaaran oo ay wadaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada u hardamaya kamid noqoshada aqalka sare ee Dowladda cusub.

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa qorshaha uu yahay in maalinta berrito ah ay magaalada Cadaado ku doortaan illaa siddeed xubnood oo Galmudug u matalaysa aqalka sare.

Siyaasiyiinta u tartamaya aqalka sare ee Galmudug waxaa ku jira kuwa xilal ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray gaar ahaan kuwii u dambeeyay.

Lama oga xubnaha soo bixi doona ee aqalka sare ee Galmudug, waxaase aad uga dhex muuqda dadka siyaasadda ku soo jirey muddo oo la soo shaqeeyay dowladihii KMG iyo dowladdani rasmiga ahba.

aqalka-sare-ee-galmudug

Goobjoog News