U bood dhigaalka

Mustafa Yaasiin oo loo magacaabay Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda federaalka ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mustafa Yaasiin Sheekh Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Kadib soojeedinta Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda sida lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee wasaaradda.

Mudane Mustafa Yaasin Sheekh oo ahaa Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda, waxa uu ka howlgelayey Hay’adda tan iyo markii la asaasay.

Mas’uulka la magacaabay ayaa ah khabiir xog’aal u ah howlaha hay’adda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda iyo siyaasaddaha Isgaarsiinta dalka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Md. Jaamac Xasan Khaliif ayaa bogaadiyey magacaabista Maareeyaha cusub isagoo ku tilmaamay inuu yahay mas’uul kasoo bixi kara shaqada loo igmaday.

Wasiirka ayaa sidoo kale kula dardaarmay in uu shaqadiisa u guto si ammaano iyo howlkarnimo leh maadaama ay hey’adda hor yaalaan shaqooyin badan oo muhiim ah.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa xusay in Hay’addu ay muhiim u tahay fulinta siyaasadaha Wasaaradda isagoo ra’iulwasaaraha ugu mahadceliyey inuu xilkaan u magacaabay shaqi u qalma.