Muuqaal: Wabiga Shabelle Oo Laga Baqayo Inuu Ku Fataho Magaalada Jowhar

Shacabka ku dhaqan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa walwal ka muujinaya in fatahaad uu sameeyo Wabiga oo biyo badan keenay.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan hareeraha Wabiga oo la hadlay Goobjoog waxay sheegeen in hadda biyo aan badneyn ay banaanka usoo baxeen, ayna ka baqayaan in fatahaad ay bilaabato.

Beerihii ku dhowaa Wabiga waxaa soo galay biyo, kuwaasi oo kasoo baxaya Wabiga, waxaana dadku sheegayaan in xilli walbo la filan karo Fatahaad uu sameeyo Wabiga.

Waxay dadkani ugu baaqeen maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka Shabelaha Dhexe iney si degdeg ah wax uga qabtaan arrintan kahor inta fatahaad rasmi ah aanay bilaaban.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW