U bood dhigaalka

Muuse Biixi: Qaadan Meyno Deeqaha Caalamka Haddi Cid Naloo-soo marsiinayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay qaadanayn deeqaha caalamku siiyo Somaliland haddii cid kale loo soo mariyo.

Muuse Biixi ayaa yidhi; “Deeq iyo adduun siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxaana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqonno, Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taallo haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno sandareero  cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalkayaga”.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya iyada oo dhowaan dalka Belgium-ka lagu soo gabo gabeeyay Madasha Caalamiga ah ee Soomaaliya kaasi oo looga hadlayay Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka socday Somaliland.

Mawduucyada:Gobollada