U bood dhigaalka

Muuse Biixi : Shacabka Muqdisho Waan U Mahad Celinayaa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biiix Cabdi ayaa ka hadlay lacagtii dhowaan ay fasaxday dowladda federalka, taas oo uu amray ra’iisulwasaaraha dalka, waxaana uu uga mahadceliyay tallaabada uu qaaday Maxamed Xuseen Rooble, Muuse ayaa intaas raaciyay in Soomaali meel waliba ay joogto ay ka naxday dhibaatadii suuqa Waaheen.

” Waxaa isoo wacay Prime Minister-ka, waana uu ii tacsiyadeeyay, waana u mahadnaqay, waxaana uu intaas ku daray waxaan haynaa lacag la idiin soo diray oo Bankiga adduunka bari hore soo diray oo sababo jiray iyo isafgaranwaagii naga dhaxeeyay halkaan u yaallay, lacagtaasna waxaan ku dadaalaynaa in lasoo diro, maadaama dhib i qabsaday waxaan ku iri waxaad kusoo dirtaa deg deg, waana midda ugu horayso aan  wax uga qabanayno”

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri ” Ninka diidan iyo midka murmaya waxaad ku tiraahdaa gabi ahaan waxaa lagalinayaa suuqa, waa ay ku dadaaleen waana ay soo direen, wuxuu ii raaciyey. Annagu dowlad ahaan waxaan kusoo daraynaa $1,000,000 waana ku mahadsan yihiin. Waxaan aad ugu mahadnaqayaa ganacsatada Muqdisho oo markiiba shiray,  aad iyo aad ayaana shacab waynaha Muqdisho ugu mahadnaqayaa iyo Soomaaliy”.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa kadib markii ay gaaratay lacag dhowaan uu fasaxay Ra’iisulwasaaraha dalka, taas oo aheyn deeq caalami ah oo maamulka Farmaajo uu xayiray sanadkii 2018, waxaana lacagtaa oo aheyd  $11,700,000 la socotay $3,000,000 oo ganacsato iyo DF ay bixiyeen, waxaana gabagabdii uu baaq Biix u diday bulshada Somaliland isaga oo ugu baaqay in ay isku duubnaadaan.

Goobjoog News