U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo dalka Koonfur afrika ayaa sheegaya in kooxa burcad ah ay xalay dil ugu gaysteen gudaha dalkaas Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ah Soomaalida dalkaas ku ganacsata.

Dilka muwaadinka ayaa yimid kadib markii ay kooxa hubaysan ay weerar ku qaadeen xaruntiisa ganacsi oo ku taallay deegaanka Zwide township ee Magalada Gqeberh Port Elizabeth.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Najiib Cusmaan, waxa uuna kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas ku ganacsata.

Sikastaba dadka Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ku ganacsada ayaa la kulma dilal iyo weeraro kaga imaada burcadda hubaysan ee dalkaas.