U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Diley Koonfur Afrika

Sheeko:Dalka

Burcad hubeysan ayaa deegan ku dhow magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed, xilli uu ku sugnaa xaruntiisa ganacsiga.

Side ay sheegeen ganacsato Soomaaliyeed oo halkaas ka dhowaa, muwaadinkaan ayaa isaga oo banaanka dukaankiisa ku sugan waxaa soo weeraray dhowr nin oo burcad ah, kadibna waxay ku fureen rasaas.

Muwaadinka la diley ayaa lagu magacaabaa Cabdi Muxudiin Jimcaale, waxaana meydkiisa qaaday ciidamada Booliiska.

Koonfur Afrika ayaa sidan oo kale waxaa bishii tagtay loogu diley Labo muwaadin Soomaaliyeed, kuwaasi oo ganacsi ku lahaa dalkaasi.

Goobjoog News