U bood dhigaalka

Muwaadiniin Itoobiyaan Ah Oo Lagu Xiray Garoowe

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal waxa ay ku xireen muwaadiniin u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay sheegen inay ahaayeen Tahriibayaal.

Dhamme Faarax Cabdullaahi Maxamed oo ah taliyaha saldhiga magaalada Garoowe ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaan la qabtay ay ahaayeen 80 qof oo Rag iyo dumar ah, laguna qabtay duleedka Garoowe.

Waxa uu sheegay taliyaha in dadkaan hadda ay xiran yihiin, markii la qabanayayna kusii jeedeen dhanka magaalada Boosaaso oo ay doonayeen in ay Yemen kasii aadaan, waliba si tahriib ah.

Sidoo kale waxa ay ciidamada Puntland xireen Seddax darawal oo kaxeynaysa gaadiidkii dadkaan lagu tahriibinayay.

Goobjoog News