U bood dhigaalka

Nabadoon Geelle “Gaalkacyo Ma Jiro Ganacsi Isu Gudba”

Sheeko:Dalka

Nabadoon Cali Geelle oo kamid ah waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee ku nool magaaladaasi iyo degaannada ku xeeran ee gobolka Mudug iyo gobollada ee dalka ay saameyn adag ku yeelatay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Dhowaan waxaa labada maamul ay ku dhaqaaqeen go’aan ah in aynaan jiri Karin wax isu gudbaya labada dhinac ee magaalada sida ganacsiga iyo baabuurta xamuulka ah ee sida shixnadaha ganacsi oo ay khudaarta ku jirto.

Nabadoon Cali Geelle ayaa sheegay in arrinta Gaalkacyo ay muhiim tahay inay soo farageliso beesha caalamka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Adeere waxa weeye Gaalkacyo haddii nabad laga rabo waa in ay soo farageliso beesha caalamka, oo ay aragto cidda qaldan si loo xaqiijiyo in dadkaan walaalaha ah ay nabad ugu wada noolaadaan, maxaa yeelay haddii la diiday ganacsigii isu gudbi jirey labada dhinac ee Gaalkacyo waad garan kartaa saameynta ay arrintaasi reebi karto, waxaa ila wanaagsan waxa weeye in la joojiyo daandaansiga oo cidina aynaan cid kale ku gardarroon si nabadgalyo darrada looga fogaado” ayuu yiri Nabadoon Cali Geelle oo kamid ah waxgaradka magaalada Gaalkacyo laga yaqaan.

Suuqa weyn ee bartamaha magaalada Gaalkacyo ku yaalla ayaa weli u xiran ismaandhaaf soo kala dhex galay maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana la soo sheegayaa in dhankii galbeed ee lagu dagaallamay lagu arkayo meelaha qaar ciidamo.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa sida kale iska deggan marka laga soo tago isu gudbitaanka badeecooyinka ganacsiga iyo baabuurta oo labada dhinac aynaan jirin wax isku gudbaya.

Goobjoog News