U bood dhigaalka

Nadaafad Darri Ka Jirta B/weyne

Sheeko:Dalka

Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa haatan waxaa ka jirta nadaaafad darri baahsan, taasi oo ka dhalatay fatahaaddii uu dhowaan ku dhuftay magaaladaasi.

Waddooyin muhiim ah oo ku yaalla xaafadaha B/weyne ayaa waxaa xiray qashin aad u badan oo biyahii fatahaadda ay keeneen.

Duqa magaalada B/weyne, Cali C/qaadir Sandheere iyo xubno ka mid ah maamulka magaaladaasi ayaa kormeer kusoo sameeyey xaafado ka mid ah magaaladaasi, wuxuuna sheegay iney soo indho-indheeyeen xaaladda nadaaafadeed ee magaaladaasi.

Waxa uu sheegay Sandheere in ay dhowaan dib u bilaabi doonaan nadaafadda guud ee magaalada B/weyne, dib usoo celin doonaan bilicdii magaaladaasi.

“Waxaan xoogga saari doonnaa inaan furno waddooyinka, qashinkana ka qaadno, bilicdana soo celinno, magaalada waa mugdi insha Allah dhowaanna iftiin ayaan ka dhigi doonnaa” ayuu yiri duqa B/weyne.

Qashinka dhex yaalla magaalada B/weyne ayaa dhanka kale wuxuu saameeyey caafimaadka guud ee dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Goobjoog News