U bood dhigaalka

Nalalka Ku Shaqeeya Cadceedda Oo Laga Hirgeliyay Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa markii ugu horeysay waxaa laga hirgeliyay Nalal ku shaqeeya Cadceedda, kuwaasi oo wax badan ka bedalay bilicda magaaladaasi.

Waxaa la arkayaa shacab badan oo xilliyada habeenkii isugu soo baxayay meelaha nalalkaasi laga hirgeliyay, iyaga oo ganacsi iyo damaashaad halkaasi ku haya.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Dhuusamareeboo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin nalalkaan ku shaqeeya cadceeda ee degmadaasi laga hir geliyay.

Dhalinyaradaan ayaa sheegay mar hadii loo ifiyay magaaladii ay iyaguna ku dadaali doonaan in ay ilaaliyaan nalalkaasi, islamarkaana sidoo kale maamulka ay kala shaqeyn doonaan amniga iyo kala dambeynta.

Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qorow oo ah gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in nalalkaasi ay ku deeqday dowladda Norway, islamarkaana ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan sare u qaadidda bilicda magaaladaasi.

Degmada Dhuusamareeb ayaa ah xarunta gobalka Galgaduud, waxaana sidoo kale degmadaasi ay xarun u noqoneysaa maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog News