U bood dhigaalka

Nin dilay Darawal Gaari oo lagu xukumay dil togaasho ah

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Cadow Ciisem Maxamed oo lagu eedeyay in uu ka dambeeyay dilka allaah u naxariiste Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo ahaa darawal gaari nooca dadweynaha ah.

Eedeysanaha ayaa la sheegay in ay isbaaro u tiilay meesha looga baxo degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha dhexe, waxaana uu halkaas lacago baad ah uga qaadi jiray dadka safarka ah.

29-kii bishii ina dhaaftay ee November ayuu Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed oo ah edeysanaha maanta dilka lagu xukumay ayaa la sheegay in uu dilka u gaystay marxuumka waxaana maxkamadda oo dood ka yeelatay kiiskiisa ay ku dhawaaqday xukunka eedeysanaha.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa lagu xukumay xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo uu Dilay Shilimaad uusan Xaq ugu lahayn 29-kii November bishii tagtay” Sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Goobjoog News