U bood dhigaalka

Nugaal: Booliiska Oo Xabsiga Dhigay Dhallinyaro La Sheegay Inay Amni Darri Ka Sameeyeen Nugaal

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska qaybta gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay xasbiga dhigeen dhallinyaro qalqal geliyey amniga guud ee magaalada Garoowe.

Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugaal, Faarax Galangoole ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay inay xireen Saddex dhallinyaro ah, ayna raaadinayaan kuwo kale.

Waxa uu tilmaamay in amniga ay wax badan ka qaban doonaan, isla markaana aan loo dulqaadan doonin cid walba oo amniga wax u dhimaya ayna gacan adag ku qaban doonaan.

“Ciidamadu howlgalka waa ay wadaan, Saddex qof baan usoo qabannay amni darradii dhacday, shacabkana waxaan rabnaa inay nala shaqeeyaan” ayuu yiri taliyuhu.

Dhallinyaro hubeysan oo habeenkii dhac u geysta dadka shacabka ah ayaa habeennaddii ugu dambeeyay ku soo batay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Goobjoog News