U bood dhigaalka

Nugaal: Shacabka Oo Looga Digey Roob Wata Dabeyl Iyo Qabow

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Nugaal ayaa digniin ka bixiyey roob Dabaylo iyo Qabow wata oo la sheegay inuu kusoo wajahan gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolkaasi Cumar C/laahi Faraweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxaha saadaashu ay u sheegeen in maalmaha Isniinta iyo Talaadada gobolkaasi kusoo wajahan yahay Roob wata Dabayl iyo qabow, sidaasi darteedna wuxuu ku baaqay in laga feejignaado.

Wuxuu sheegay in ka maamul ahaan ay dadka ku wargelinayaan iney ka taxadaraan qataraha ka imaan kara roobabkaasi, wuxuuna shacabka u sheegay iney ka fogaadaan goobaha biyo hoobadka ah.

“Kooxaha Saadaashu waxay inoo sheegeen in badda cas inooga soo wajahan tahay roobab wata dabaylo iyo qabow, waxaa loo baahan yahay in shacabka aysan sahlan digniintan oo ay ka fogaadaan meelaha biya hoorka ah” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Digniintan ah in roob Dabeylo wata kusoo wajahan yahay gobolka Nugaal ayaa imaaneysa xilli deegaannada maamulka Puntland ka arrimiyo ay ka jirto abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News