U bood dhigaalka

Obama: Dhibaatada Suuriya, Waa Sii Socon Doontaa

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Suuriya ay sii socon doonto in muddo ah, isagoo sabab uga dhigay taageerada ay Ruush-ka iyo Iran siiyaan madaxweyne Asad.

Obama oo  ka hadlayey shir madaxeedka  Apec ee socda Lima, caasimadda Peru, waxaa uu sheegay in Mucaaradka ay wiiqeen taageerada ay Ruush-ka iyo Iran siiyaan Asad.

Obama waxaa uu sheegay in uu Putin u sheegay sida uu uga xun yahay dhiigga ku daadanaya dalka Suuriya gaar ahaan dhibaatada soo gaareysa Caruurta.

Goobjoog News