OCHA: 574 Kun Qof Ayeey Waxyeello Kasoo Gaartay Fatahaadihii Soomaaliya

Warbixin uu Shalayto oo Jimca ahayd soo saaray Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aaddam-nimada QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay 574,000 Qof wax yeello kasoo gaartay fatahaadihii dhowaan ka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka, halka 370,000 kalena ay ku barakaceen.

Fatahaadihii dhacay Bil ka hor oo ahaa kuwo ka baxsan xaddigii la filayay ayay sheegtay hay’addu in ay gaab yara gelisay in badan oo ka mid ah howlihii samafalka ee ay ka wadeen goobahaasi.

Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aadam-nimada Qaramada midoobay ee OCHA, ayaa intaa raaciyay in Dadka ay saamaynta ku yeesheen ay markii horaba la daalaa dhacayeen Abaaro iyo wax soo saarkii dalagyada ay oo ka hooseeyay 70%.

Waxaa haatan soo kabanaya Dadkii ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkii ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya, iyadoo ay samata bixinta Dadkii ay waxyeelladu soo gaadhay ay Gacan weyn ka geysatay Dowladda Soomaaliya.

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW