U bood dhigaalka

Odayaasha Dhaqanka Laascaanood oo Ku Baaqay Mudaharaadyo ka Dhan ah Xukuumadda Siilaanyo

Sheeko:Dalka

Madaxda dhaqanka magaalada Laascaanood ayaa sheegay in dadka ku dhaqan  Laascaanood ay todobaadkan gudihiisa dhigi doonana banaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan dhallinyaro toban ka badan oo ciidamada booliska Somaliland ka xireen gudaha magaalada Laascaanood kuwaasi oo loo soo gudbiyey magaalada Hargeysa.

Odayaasha dhaqanka oo shir jaraa’id ku qabtay Laascaanood ayaa waxay Somaliland ku eedeeyeen iney dhallinyaro aan dambi cad lagu haynin ay soo xireen ka dibna ay u soo gudbiyeen magaalada Hargeysa, iyada haddiiba ay dambi galeen xataa lagu qaadi kari lahaa dacwadooda gudaha magaalada Laascaanood.

Garaad Jaamac Maxamed oo ka mid ahaa odayaasha hadlay waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan Laascaanood ay dhawaan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan falkan ay dhigi doonaan, kaas oo uu ku tilmaamay mid sharciga baal marsan isla markaana meel ka dhac ku aha xuquuqda dadka reer Laascaanood.

Oday Axmed Cabdi Boos ayaa isna waxa uu xusay iney  xukuumadda Somaliland kala hadleen arrintan oo taagnayd 15 maalmood ee la soo dhaafay, balse aan wax qanciya loo sheegin wali.

Magaalada Laascaanood oo gacanta Somaliland ku jirtay maamulkeedu tan iyo 2007-kii ayaa waqtiyo kala duwan waxa si soo noqnoqday uga dhaca dilal iyo rabshado ay sameeynayaan dadka ka soo horjeeda xukunka Somaliland, inkasta oo xaaladeeda lagu tilmaamo iney aad uga wanaagsan tahay markii aaney Somaliland  gacanta ku haynin oo aanooyinka qabiil aad uga dhici jireen magaalada.

Goobjoog News