U bood dhigaalka

“Oktoobarey adaa lahaa!” — Cabdi Bashiir Indhabuur.

Sheeko:Dalka

Bisha October waa bisha kaliya ee ugu maalmaha madow bilaha ay Soomaalidu tirsato. Intani waa intii aan xusuusaha faaday ka soo dhuftay iyo ino kale oo ay waayuhu na soo hordhigeen:

I. 03 October 1993: Muqdisho ayaa lagu soo riday labo diyaaradood oo ahaa kuwa qummaatiga u kaca (helicopters), Maraykankuna lahaa, intii uu socday dagaalkii Black Hawk Down ee garabkii Jen. Maxamed F. Caydiid uu hoggaaminayay iyo Maraykanka dhex maray, 03-04 October.

II. 04 October 2011: Waxa dhacay Qaraxii Hargaha & Saamaha oo ahaa hanjabin weyn oo lagu curyaaminayay hanka ummadda Soomaaliyeed iyo qarannimadeeda.

III. 07 October 2003: Annalena Tonelli oo ahayd haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga, ka tirsanayd haayadda UNHCR, muddo 33 sanno ahna caawinaysay dadka saboolka ah ee Africa ayaa Somaliland lagu dilay.

IV. 08 October 2020: Waxa geeriyooday Prof. Cali Khaliif Galaydh.

V. 10 October 2010: Waxa geeriyooday abwaan Abshir-Bacadle Nuur Faarax.

VI. 14 October 2017: Waxaa dhacay qaraxii abid ugu weynaa, uguna ba’a badnaa, ee dhul Soomaaliyeed ka dhaca ee Soobbe.

VII. 15 October 1969: Waxa shirqool lagu dilay madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke

VIII. 21 October 1969: Waxa gondaha loo laabay qarankii Soomaaliyeed ee curdanka ahaa, oo ku dhisnaa nidaam qori-isu-dhiib ah, waxaana inqilaab dalkii ku la wareegay Askartii Kacaanka.

IX. 22 October 2009: Habeennimo ay Jimce soo galayso, xilli uu roob badani da’ayay, waxa magaalada Gaalkacayo lagu dilay Sheekh Baabulkabiir oo ahaa guddoomiyaha Digil iyo Miriflihii Gaalkacyo ku sugnaa; isla habeenkaas, saacado uun ka hor, qarax magaalada ka dhacay baa waxa ku naf waayay haweenay, halka afar ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

X. 23 October 2020: Dad shacab ah baa lagu dilay degaanka Basra ee Shabeellada Hoose.

XI. 27 October 2008: Caa’isha-Luul Ibraahin Dhuxulow oo ahayd gabar yar oo 13-14 jir ah baa waxa lagu rajmiyay magaalada Kismaayo, rajmi xaaraan ah! Dhacdadaas oo noqotay mid aad loo faaqido.

XII. 29 October 2008: Waxa uu qarax lagu le’day ka dhacay magaalada Hargeysa.

Mawduucyada:Gobollada