U bood dhigaalka

Olole Nadaafadeed Oo Ka Bilawday Degmada Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud waxaa ka bilawday Olole nadaafadeed oo la doonayo in dib loogu soo celiyo bilicda magaaladaasi.

Maamulka degmada Dhuusamareeb iyo sidoo kale ururada bulshada ee ku sugan degmadaasi ayaa iska kaashanaya ololahan, waana wejigii Koowaad.

Qeybtaan ayaa lagu nadiifinayaa magaalada Dhuusamareeb oo kaliya, sidoo kalena waxaa la burburinayaa wax walba oo hoos u dhigaya bilicda magaaladaasi.

Cabdullaahi Macalin Axmed oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada Dhuusamareeb oo ka hadlay halkaasi ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalada Mudug iyo Galgaduud in ay ka qeybqaataan dib u dhiska degmadaasi, maadaama degmada ay xarun u  noqonayso maamulka gobaladaasi loo dhisayo.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in cid walba oo ku dhaqan Mudug iyo Galgaduud ay xur u tahay in Dhuusamareeb ay maalgashi ku sameysato, islamarkaana sidoo kale deegaan ka dhigato.

Dhinaca kale dhalinyarada ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa dhegax dhigay goob lagu astaan u noqon doonta garoonka magaaladaasi, si cid walba oo magaalada timaada u aqoonsato astaantaasi.

Goobjoog News