U bood dhigaalka

Olole Nadaafadeed Oo Ka Billawday Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay ayaa si rasmi ah waxaa uga billawday Olole Nadaafadeed, kaasi oo loogu tala galay in lagu hagaajiyo bilicda magaaladaasi.

Munaasabad lagu daah furayay Ololahaan nadaafadeed ayaa ka dhacay magaalada Baydhaba, waxaana ka qeybgalay gudoomiyaha gobalka Baay, iyo Kan magaalada Baydhabo, gudoomiyayaasha xaafadaha magaaladaasi iyo shacab aad u badan.

Gudoomiyaha Gobalka Baay Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qorshahaan uu yahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana shacabka looga baahan yahay in ay kaalintooda ay ka qaataan.

Waxaa kaloo gudoomiyaha uu sheegay in mashruucaan nadaafadda ah uu si tijaabo ah u socon doono muddo bil ah, lagana doonayo shacabka inay muujiyaan kaalintooda kaga aadan arrinkaasi.

Nadaafadaan waxaa bar bar socon doona dib u habeyn lagu sameyn doono qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Baydhaba ee Burbursan, si loo helo wadooyin dhisan iyo magaalo nadiif ah.

Goobjoog News