Olole Sare Loogu Qaadayo Afka Soomaaliga Oo Ka Billawday Hargeysa

Dhaq dhaqaaqyadaan oo la rabo in lagu barto cilmiga Afka Soomaaliga iyo suugaantiisa, qoraalkiisa oo cilmiyeesan iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida waxaa loo furay xarumo lagu baranayo, waxaana qorshahani keenay dad ku xeel dheer afka Soomaaliga iyo kuwo daneeya ilaalinta dhaqanka iyo Afka intaba.

Goobaha lagu baranayo afka iyo dhaqanka waxaa ka mid ah Jaamacadda Golis oo iyadu wada qorshe heer ilaa shahaadada heerka Degree-ga lagu qaadanayo kaasi oo dhammaan aqoonta kala duwan ee lagu baran doono loo bedalayo Afka Soomaaliga.

C/naasir Ibraahim Axmed oo maamule ku xigeen ka ah qeybta qorshaha jaamacadda ardayda ku barayso aqoonta Afka Soomaaliga ayaa Goobjoog News u sheegay si qorshahani ku dhaqan gelinayaan iyo sidoo kale suurta galnimada in lagu guuleysto in marnaba aanu gacanta ka bixin afka Soomaaliga.

“Guddiyo dhowr ah ayaa la kala saaray, waxaa ka mid ah guddi eray bixinta soo uruurinaysa, waxa weeye eray bixinta dhumi lahayd guddi baan u xilsaarnay sida dadka beeraleyda erayada ay isticmaalaan, sida qalabka wax lagu qodo, magacayada ay Soomaali ahaan lahaayeen, sidoo kale qolooyinka xoolo dhaqatada ah waxaanu u saarnay guddi kale oo iyaguna soo uruurin doonta eray bixintii guud ahaan xoolaha, sida fardaha, geella, Lo-da, Ariga, si guudna arrimahaasi usoo uruurin doona, waxay ku howlanaan doonaan in eray bixinta soo uruuriyaan, waxaa kaloo jirta guddi kale oo iyaguna aanuy saarnay wixii suugaan ah, suugaantaasina cilmi baaris lagu sameeyo wixii ku jiray eray adag ama wax kale ah, guud ahaan shaqadu macadku qabto waxa weeyaan in afka Soomaaliga dadka wax lagu baro oo aqoonta la af Soomaaliyeeyo” ayuu yiri C/naasir

Afka Soomaaligu waxa uu hodan ka yahay dhinac kasata, waana aqoon la baran karo sida luqadaha kale loo barto iyaga oo cilmiyeeysan.

Fardowso Maxamed Axmed oo wax ka barata qeybta Afka Soomaaliga ee Jaamacadda Hargeysa ayaa Goobjoog News waxa ay uga warantay wixii ay baratay.

“Afkaaga oo aad barataa waxay kaa dhiseysaa shaqsiyadaada, qof afkiisa yaqaanno waa qof isaga is yaqaanna, barashada afku aad bay u wanaagsan tahay, midka aan ku hadleyno kaliya ma ahan ee waa uu ballaaran yahay, afkaan la baranayo waa kaagii Hooyo, Afka waxa aku jirta suugaantii oo loo sameynayay sidii loo fahmayay, suugaantu waa la qaadaa laakiin laftigeedu faham bay kaaga baahan tahay, waxaan baranay wax la yiraahdo miisaanka maansada oo maanso walba oo aad maqasho aad garaneyso halka ay kaaga jiheysan tahay, hadii ay tahay tii Geel jiruhu tirinayay, tii colaadda ama wax kale oo ay ahaataba” ayeey tiri Fardowso.

Ardayda, qorayaasha, suugaan yahannada iyo bulshada kale ee caadiga ahiba goobaha laga baranayo Afka waxay ka caawin karaan barashada iyo xoojinta afka.

C/naasdir Ibraahim ayaa isna aaminsan in guud ahaan aqoonta la barto lagu turjumi karo afka si loo muujiyo in luqadda Soomaaligu ay tahay mid cilmiyeeysan sida luqadaha kale oo kale.

“Waxaan tijaabinay ardayga marka uu ku jiro sanadkii ugu dambeeyay ee jaamacadda waxaan u dirnay Laba baaritaan oo aan ku niri midna Afkeena kusoo baara, midna English, dhallintu waxya ku wanaagsanaadeen midka aan ku niri kusoo baara afkiina, hadii uu ardaygu Englishka ka raadinayay micnahiisa oo kaliya kan waxa uu raadinayaa nuxurkii”

Ololahaan oo socday Seddaxdii bil ee ugu dambeeyay ayaa waxaa ka qallin jabiyay illaa iyo 15 arday oo la siiyay tababaro kooban oo ku saabsan waxyaabo ka mid ah dhaqanka Soomaalida, waxyaabihii hidaha u lahaan jireen sida weelasha, cuntada, agabka la xirto.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW