U bood dhigaalka

ONLF Oo Dooratay Guddoomiye Cusub

Sheeko:Dalka

Jabhadda ONLF oo shirweyne uga socday magaalada Jigjiga ayaa xalay waxay halkaasi ku doorteen guddoomiye cusub, kadib doorasho dhacday.

Dr. C/raxmaan Sheekh Mahdi ayaa loo doortay guddoomiyaha ONLF, wuxuuna helay 340 cod, halka Axmed Yaasiin oo la tartamayey uu helay 251.

Doorashadan ayaa ahayd mid ay ka qeybgaleen dhammaan xubnaha guddiga, waxaana lasoo gabagabeeyey shirweynihii ururkan u socday.

DR. C/raxmaan ayaa ka mid ahaa aas-aasayaashii ONLF, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa guddiga fulinta ee ururkaasi.

ONLF ayaa dagaal badan usoo gashay sidii lagu xoreyn lahaa deegaannada Soomaalida ee Itoobiya, balse xukuumadda Abi Axmed oo ay wadahadal la galeen ayaa sahashay iney joojiyaan dagaallada, raadintoodana ku bedeleen qaab nabadeed.

Goobjoog News