U bood dhigaalka

ONLF Oo Ku Dhowaaqday Xabad Joojin Hal Dhinac Ah

Sheeko:Dalka

Jabhadda ONLF ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen iney qaateen xabad joojin Hal dhinac ah, kadib muddo ay ka dagaallamayeen deegaanno ka mid ah dalka Itoobiya.
Nuqul ka mid ah war-saxaafadeedkan oo soo gaaray Goobjoog News ayaa sidan u qornaa:-
Iyadoo ka duulaysa baaqii nabadeed ee ka soo yeedhay xukuumadda Itoobiya ee ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu madaxda ka yahay,

Iyadoo tixgalinaysa tallaabooyinkii nabadda loogu gogol-xaarayo ee dowlada Itoobiya qaadday,

Iyadoo dareensan sida ay wax ugu dhimi karto xasilloonida iyo nabadda tallaabo millatari oo qolo keligeed ahi iskeed u qaado,

Iyadoo muujinaysa sida ay diyaarka ugu tahay in waddo nabadeed loo maro xalka dhibaatada Ogaadeenya,

Iyadoo ka turjumaysa kaalinta ay ku leedahay raadinta xasillooni iyo nabad ku wada-noolaansho laga hirgaliyo gobolka Geeska Afrika,

Iyadoo aaminsan sida ay lagama maarmaan u tahay in la abuuro jawi nabadeed oo suuragalin kara in labada dhinac ay yeeshaan wadahadal lagu dhammeeyo dhibaatada Ogaadeenya,

Waxay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) ku dhawaaqaysaa xabbad-joojin hal dhinac ah, oo ka billaabanaysa maanta, oo taariikhdu ay tahay 12 August 2018, markay saacaddu tahay 12:00 Duhurnimo, iyadoo hakisay dhammaanba hawlgalladii ciidan ee ka dhanka ahaa Ciidammada Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya.
Xabbad-joojintani waxay soconaysaa ilaa iyo inta Labada dhinac ay ka gaarayaan heshiis nabadeed oo dhammaystiran.

Jabhaddu waxay xukuumadda Itoobiya ugu baaqaysaa inay iyaduna dhinaceeda qaadato go’aan midkan la mid ah, si loo hakiyo colaadaha ka taagan gayiga Ogaadeenya, islamarkaana wadahadallada nabadeed fursad loo siiyo.