U bood dhigaalka

Professor Diirshe: Dhibka Haysta Shacabka Galmudug Waxaa Looga Saari Karaa Xikmad Iyo Caqli

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenkii maamulkii Ahluy-sunna ee ku biiray Galmudug, Professor C/laahi Xirsi Diirshe ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in shacabka Galmudug dhibaatada haysta looga saari karo isku duubni, xikmad iyo caqli.

Waxa uu sheegay Diirshe in shacabka Galmudug ay muddo badan dhibaato kusoo jireen, heshiiskii dhowaan la gaarayna loo baahan yahay in dadka iyo dalka u horseedo nabad iyo is faham waara.

Professor Diirshe ayaa dhanka kale waxbo kama jiraan ku sheegay in la isku darayo baarlamaankii Ahlu-sunna iyo kan Galmudug, balse taasi bedalkeeda wuxuu sheegay in muhiimadda heshiisku yahay in isbedallo amni, siyaasad iyo dhaqaale intaba laga helo deegaannada Galmudug.

“Shacabka Galmudug waxaan aaminsanahay in muddo badan ay dhibaatada kusoo dhex jireen, waxa looga bixi karaana waxay tahay xikmad iyo caqli, midda kale wararka meelaha la wareejinaya ee awood baa la qeybsaday ama wax lamid ahna waa waxbo kama jiraan, wax dhaafsiisan heshiiskii la gaarayna ma jirto” ayuu yiri Professor Diirshe.

Maaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku guuleystay inuu heshiis ku keeno maamulkii gobollada dhexe oo muddo kasoo horjeeday Galmudug.

Goobjoog News