U bood dhigaalka

Puntland: Abaarta Oo Saameysay In Ka Badan Hal Milyan Iyo Shan Boqol Oo Qof

Sheeko:Dalka

Hay’adda maareynta musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa sheegtay in dad badan oo ku nool Puntland ay saameysay abaarta.

Maareeyaha hay’addan C/laahi Axmed ayaa sheegay in abaarta ay saameysa Hal Milyan iyo Lix Boqol oo ruux, kuna nool ay abaartu saameysay, sidoo kalena 224 deegaan ay u baahan yihiin in gargaar degdeg ah lala gaaro.

“224 deegaan oo aad u dhiban oo ay ka jiraan biyo la’aan iyo cunto la’aaan ayaan gudbinnay, inta dhageysaneysa sida caalamkana iney gargaar degdeg ah la gaaraan, abaartu wey siman tahay, gobollada lama kala oran karo wey kala roonyihiin, laakiin waxaa la oran karaa degmadee baa u dambeeyay oo roob ka da’ay” ayuu yiri maaareeyaha HADMA.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in qoysaska abaartan ay saameysay ay gaarayaan 103 kun oo qoys, isaga oo dhanka kale soo bandhiga daraasad ay sameeyeen oo ay ku ogaanayeen heerka cimilada roobabka iyo abaaraha la filan karo iney kusoo wajahan yihiin deegaannada Puntland.

“Daraasad kooban oo lagu soo sameeyay Labo degmo oo tusaale loo qaatay…waxaa kasoo baxay in marka ugu horreysaba Puntland oo dhan inaanay ka jirin wax la yiraahdo cimilada ama dabeysha la sheego, waxa weeye haddii dabeylo badani nagu soo wajahn yihiin wax digniin kasii sheega maleh, marka waxaa inagu yar cabirihii hawada, waxaa nagu yar roob tiriyahii” ayuu yiri Agaasime C/laahi.

Hay’adaha samofalka ah iyo kuwa kaleba ayaa xilligan waxay ka digeen abaar mar kale ku dhufuta gobollo ka mid ah dalka.

Goobjoog News