U bood dhigaalka

Puntland: Baarlamaanka Oo Magacaabaya Guddiga Xallinta Khilaafaadka Ee Soo Xulista Baarlamaanka Cusub

Sheeko:Dalka

Barlamaanka Puntland Waxaa horyaal qorshe xeer loogu samaynayo guddiga xalinta khilaafka ee soo xulista Barlamaanka oo uu horay u soo xuli jiray Madaxwaynaha maamulkaasi mudadii Puntland ay jirtay islamarkaana musharraxiinta madaxtinimada Puntland u tartamaya ay dood iyo diidmo ka keeni jireen, iyagoo u arki jiray kuwo u xagliya Madaxwaynaha soo magacaabay islamarkaana ka reeba qof walba oo uu diidanyahay in uu ka mid noqdo barlamaanka Puntland waxaana murankaasi oo mararka qaarkood sababi jiray in musharaxiintu gudi kale magacaabaan, walow ugu dambayn uu guddiga rasmiga ah noqon jiray midka madaxwaynuhu soo magacaabo.

Qorshahan cusub ee barlamaanku wado ayaa ilo xog-ogaal ah sheegayaan in uu sababay markii golaha wakiiladu ogaadeen in doorashadii oo sanad ka dhimantahay uu madaxwayne Gaas sii qorsheeyey ragga noqonaya 7-da xubnood ee uu ka kooban yahay Guddiga xalinta khilaafaadka ee soo xulidda barlamaanka soo socda.

Xubno ka mid ah bulshada iyo Aqoonyahanka Puntland oo aan kala sheekesannay arrintaan ayaa soo dhoweeyey in la sameeyo xeer lagu soo xulo guddiga xalinta khilaafkaadka baarlamaanka si uu u noqdo mid sharci ah oo aan dood iyo saluugmo ka dhalan sidii horay u dhici jirtay marka xiliga doorashada la gaaro.

Goobjoog News