U bood dhigaalka

Puntland: Dhibaatada Ka Jirta Koonfurta Soomaaliya %65 Somaliland Ayaa Qeyb Ka Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhibaatooyinka amni darri ee ka jirta inta badan gobollada dalka ay kaalin weyn ku leeyihiin maamulka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aaminsan  yihiin in Koonfurta Soomaaliya waxa ay ka degi la dahay tahay Somaliland, sidoo kalena ay rumeysan yihiin in %85 dagaallada Galgala ay qeyb ka tahay Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dhibaatada ka jirta Koonfurta Soomaaliya %65 Somaliland ayaa qeyb ka ah, waxaan kaloo ogahay iney qeyb ka yihiin dhibaatada ka jirta Galgala iyo Al-shabaab ka yihiin %85, waxay aaminsan yihiin in colaadi ka jirto Soomaaliya inteeda kale ay caalamka ka gadi karaan iney helaan aqoonsi” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiir Qarjab ayaa sheegay in Somaliland ay deggan yihiin oo kale Burco iyo Hargeysa, sidaasi darteedna aanay jirin  cid Soomaaliyeed oo deegaannadaasi weerar ku ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisadda ka dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, iyadoo mas’uuliyiinta Labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayaan warbaahinta.

Goobjoog News