U bood dhigaalka

Puntland Iyo Galmudug Oo Shir Nabadeed Uga Furmay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa ka furmay shir ballaaran oo loogu gogol xaarayo nabad waarta oo ka dhalata guud ahaan gobolka Mudug.

Wasiirro ka kala tirsan Labada dhinac ayaa ku kulmay magaaladaasi, waxaana shirkaan uu noqon doonaa mid sii socon doona, wadahadallada rasmiga ahna la guda galo.

Shirkan ayaa ka furmay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka maamulka Galmudug.

Wasiirka deegaanka Puntalnd Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in arrinta ugu weyn ee laga wada hadlay tahay sidii gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo u noqon lahayd meel xasiloon oo dadka ay mid yihiin.

Maxamed Xayir Nuur, wasiirka arrimaha gudaha Galmudug ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid aad u muhiim ah, islamarkaana la isla gartay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wada noolaanshiyaha.

“Waxaa laga wada hadlayey wada heshiisiin iyo nabadeyn, ajendaha shirarka aan yeelan doonno waa la diyaariyey, waxaana ka wada shaqeyn donna walaalnimada iyo wada noolaanshiyaha” ayuu yiri wasiirka.

Shirkaan ka furmay Gaalkacyo ayaa daba socda heshiis ay magaalada Cadaado kusoo gareen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Goobjoog News