Puntland: Ma Jirto Cid Qabsatay Garoonka Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa sheegay in waxbo kama jiraan ay tahay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaareen garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Yuusuf Dhagweyne oo ah maareeyaha garoonkan ayaa sheegay in garoonka xaaladiisu tahay mid hagaagsan, waxaana uu sheegay in aanu jirin askar ka tirsan dowladda oo halkaasi ku sugan.

“Waxaan idiin sheegayaa in aanu waxbo ka jirin garoonka in ay ciidanka Milatariga qabsadeen, warkaas waxaa faafiyey warbaahinta Koonfur, diyaaradaha si caadi ah bay u shaqeynayaan” ayuu yiri maareeyaha.

Maareeyaha ayaa gabi ahaanba waxa uu meesha ka saaray in ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya gaareen garoonkaa Gaalkacyo, wuxuuna ku celceliyey in howlaha shaqo garoonkaasi ay si caadi ah u socdaan.

Askar ka badan 200 kana tirsan ciidanka dowladda ee sida gaarka u tababaran ayaa waxaa la sheegay inay tageen garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW