U bood dhigaalka

Puntland Oo Eedeysay DFS

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta waxay ku eedeysay iney ka been sheegtay qodobadii kasoo baxay shirkii Isgaarsiinta ee dhowaan Puntland lagu qabtay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa warbaahinta u sheegay in shirkan qodobo muhiim ah ay kasoo baxeen, balse wasiirka Isgaarsiinta DFS oo saxaafadda la hadlay uu sheegay wax aan ahayn wixii shirkaasi looga hadlay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shirka isgaarsiinta SOomaaliya muddo ayaa la isku haystay m,arwalbana maamul goboleedyada taladooda muhiimka ah ayeey kasoo jeedinayeen, Puntland ayeey maamul goboleedyada dhan wasaaradahooda isgaarsiinta isugu yimaadeen, markii aan annaga war kasoo saarnay shirkeenna ayuu shir jaraa’id qabtay wasiirka, wuxuuna ku adkeystay qaladkiisii hore ahaa, sharcigaan wuxuu soo jiitamayey 12 sano, falanqeyntii waxaa kaoso baxay maamul goboleedyada in loogu daro min Hal xumin guddiga Sagaallka ah, waxaan kaloo qiimeynay in shirkadaha isgaarsiinta oo cabanayey Hal xubin loogu daray, wasiirka Isgaarsiinta dowladda federaalka waxaa laga la yahay 90% meesha lagu shaqeynayo talada wax halaga weydiiyo, waxaan leeyahay wasiirka waxaan kugu celineynaa waxaad qabaneyso ha noqoto mid doorkoodo aad siiso wasaaradaha dowlad goboleedyada” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya weli kama aanay jawaabin eedeyntan kaga timid dhanka Puntland.

Goobjoog News