U bood dhigaalka

Puntland Oo Ka Shirtay Abaaraha Deeganadeeda

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku-xigeenka maamul goboleedka Puntland Axmed Cismaan Karaash ayaa maanta shir guddoomiyey shirka golaha wasiirrada maamulkaas oo manta ka qabsoomay magaalada Garowe ee caasimadda u ah Puntland.

Shirka ayaa waxaa manta kasoo qayb galay guddiga Abaaraha maamulkaas, mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Hadma , waxaana siweeyn shirka loogu gorfeeyey xaaladda abaaraha ah ee ka jira deegannada maamulka Puntland,

“Ujeedka shirka ayaa ahaa ka jawaabida xaaladda abaaraha Puntland ka jira, Shirka waxaa kasoo qeyb-galay dhammaan Masuuliyiinta iyo Wakiilada Hay’addaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Puntland waxaana la iskaga xogwareystay xaaladadaha abaaraha ee guud ahaan saaameyey dhamaan Gobollada Puntland” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo shirka kadib ay baahisay Madaxtooyada Puntland.

Abaarro, biyo yari baahsan ayaa ka  jira deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolada kala duwan ee dalka, maadaama xili roobaadkii tagay aysan si fiican uga da’in gobolada qaar uga da’in roobabka .

Goobjoog News