U bood dhigaalka

Puntland Oo Ku Baaqday In Gurmad Caalami Ah La Gaarsiiyo Dadka Ay Saameysay Dufaanta Chapala

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in xilligaan gurmad rasmi ah looga baahan yahay dhamaan deegaanada ku yaalla xeebaha Bari ee Puntland, halkaasi oo dhawaan dabaylo xooggan ay ku dhufteen.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda loo baahan yahay caawinaad degdeg ah oo lala gaaro dadkaasi.

Waxa uu sheegay in duufaanta Chapala ay saameyn weyn ku yeelatay deegaanno badan oo ku yaalla gobalka Bari, sidoo kalena ay xirmeen wadooyinkii dadka sahayda loo marin lahaa.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in uu badbaaday oo kaliya Garoonka diyaaradaha ee deegaanka Caluula oo uu sheegay in hadda meeshaasi ay tahay halka kaliya ee dadkani gurmadka looga dejin karo.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah in gurmad deg deg ah ay la gaaraan dadka ku dhibban deegaanada xeebaha bari ee Puntland.

Goobjoog News