U bood dhigaalka

Puntland Oo Soo Bandhigtay Maxaabiis Ay Sheegeen Inay Ku Qabteen Dagaalkii Nugaal (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa gobolka Nugaal kusoo bandhigay ku dhawaad 20 qof oo ay sheegeen inay ku qabteen dagaalkii ka dhacay Togga Suuj ee gobolka Nugaal, kuwaasi oo ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Raggan lasoo bandhigay waxaa ku jira caruur aad u da’yar, qaarkoodna waxaa da’doodu lagu sheegay 13-sano jir illaa iyo 18 Sano.

Saraakiisha soo bandhigay maxaabiistan ayaa u sheegay warbaahinta in caruurtaan ay gacanta ku dhigeen iyaga oo dagaallamaya, islamarkaana loo gudbinayo xabsiga magaalada Garoowe.

Afar maalin oo xiriir ah ayaa ciidamada Puntland iyo Al-shabaab waxa uu dagaal xooggan ku dhexmarayey Togga Suuj ee gobalka Nugaal, halkaasi oo khasaare xooggan uu ka dhashay.

Caruurtaan lasoo bandhigay qaarkood waxay sheegeen in iyagu loo sheegay in waxbarasho ay loo qaadayo, balse markii halkaan la keenay qoryo loo dhiibay waa sida ay hadalka u dhigeen.

Qaar ka mid ah maxaabiistaan lasoo bandhigay waa ay dhaawacan yihiin, waxaana sidoo kale jira muuqaallo ay Puntland soo bandhigtay kuwaasi oo ah rag ku geeriyooday dagaalladii Suuj kana tirsan Xarakada Al-shabaab.

Raggan lasoo bandhigay intooda badan waxay saxaafadda u sheegeen inay iyaga is soo dhiibeen, islamarkaana ay doonayaan in la cafiyo oo dib loogu celiyo reerahooda.

14-kii bishan ayaa Al-shabaab ku socda doonyo waxay ka dageen deegaan xeebeed aad ugu dhaw deegaanka Garacad ee gobalka Mudug, waxaana ay ku faafeen dagaalyahannadaasi deegaanno kale.

Hoos ka daawo sawirada

0012 0011 0010 009 008 007 006 004 003 002 001

Sawirada Waxaan kasoo xigannay Villa Puntland

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada