U bood dhigaalka

Puntland Oo Wada Hadal La Galeysa Koox Afduubatay Markab Shidaal

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah ay gaaraan deegaanno ku dhow degmada Caluula ee gobolka Bari, halkaasi oo lagu haysto markab shidaal.

Cali Shire Cismaan, guddoomiyaha demada Caluula ayaa warbaahinta qaar u sheegay in wada hadal ay la geli doonaan kooxdan haysata markabkaan, islamarkaana isku dayi doonaan in wax walbo wada hadal iyo is faham lagu dhammeeyo.

Mas’uuliyiinta tagi doona Caluula ayaa ah mas’uuliyiin madaxda Puntland usoo direen arrinkan, iyadoo dhanka kalena lasoo sheegayo in ciidamada Puntland iyo kuwa NATO ay dhadhaqaaqyo ciidan wadaan, waxaana suuragal ah in markabkaasi ay si awood ah ku furtaan.

Ku dhowaad 50 dhallinyaro ah oo hubeysan ayaa gudaha markabka ugu jira, waxaana ay sheegeen in iyagu aysan ahayn burcad badeed, balse ay tani farriin u tahay maraakiibta kusoo xadgudba biyaha Soomaaliya.

Waxgaradka deegaanka Caluula qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, waxya sheegeen in dhallinyarada ay ka shaqeysan waayeen badda, kadib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen maraakiib shisheeye oo kalluumeysi.

Si xaalufka badda lagu hayo looga hortago ayeey sheegayaan waxgaradkani in  dhallinyaradu ay ku kalliftay iney iyaguna soo qabtaan maraakiibta iyo doonyaha dhibka wada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News