U bood dhigaalka

Puntland “Shaqo Kuma Lihin Guddiyada Ay Dowladda Federaalka Magacawday”

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeestay Seddax guddi oo 9-kii bishaan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ansixiyeen, kuwaasi oo kala ah Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Adeegga Garsoorka iyo guddiga Doorashooyinka.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay cadeynayaan guddiyadaasi in dhankooda aanu wax shaqo ah ku lahayn, islamarkaana ay dowladda jabisay qodob ka mid ah Dastuurka dalka u yaalla iyo sidoo kale heshiisyo horay loogu gaaray Garoowe.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne ku xigeenka Puntland in dowladda Federaalka looga baahnaa in ay la tashi ka sameyso arintaan ku aadan magacaabista iyo meel marinta guddiyadaan, hase ahaatee ay taasi baal martay.

Beesha caalamka ayuu sheegay in ay la socodsiinayaan in marnaba aanay ka maamul ahaan wax shaqo ah ku lahayn guddiyadaasi, isaga oo sidoo kale ku booriyay maamulada kale ee jira in ay arinkaasi ka hadlaan.

“Sida aad ka warqabtaan dowladda Federaalka iyo dowlad goableedyada waxaa u dhaxeeya waa Dastuurka dalka u yaalla, hadii Dastuurka la dhinac maro waxay ila tahay in aysan jirin wax hagaagaya, waxaa laga yaabaa in dad badan ay isweydiiyaan dowladda Puntland ma waxaa loo diray ilaalinta Dastuurka mar walba arintaasi bay ka hadashaa, waxaan leenahay haa waayo qeyb ka mid ah ayaan nahay, wixii xumaan la yimaadana weyn na quseysaa, wixii wanaag keenana inkastoo aan wanaag arag waa wax na quseeyo in aynu ka hadalno, hadaba hadii aynu nahay dowladda Puntland anaga oo tixraacayno Dastuurka gaar ahaan qodobkiisa 111 farqadiisa Labaad waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegaynaa maadaama aan arintaasi nalaga tashan wax shaqo ah kuma lihin” ayuu yiri Camey.

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay guddiyada kala ah. Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Adeegga Garsoorka iyo guddiga Doorashooyinka.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News