U bood dhigaalka

Puntland: Waxaan Dilnay 112 Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland oo ka hadlay dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen deegaanno ka mid ah gobollada Nugaal iyo Mudug ayaa tilmaamay iney dileen dagaalyahanno badan, kuwo kalena ay nolosha ku qabteen.

Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi Maxamuud Xasan Soocadde oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wadarta ay ka dileen Xarakada Al-shabaab ay gaareyso 112 ayna gacanta ku hayaan 55 Maxbuus waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dagaalyahannada Al-shabaab ka dhintay uu ku jiro Ajnabi uu sheegay in hadda baaritaan ay ku hayaan dalka uu u dhashay iyo magaciisa oo buuxa.

“Ciidamada Puntland waxay dileen rag badan oo ka mid ah nimankaasi nooga soo duulay gobollada Dhexe iyo Koonfurta, Shabaab waxaan ka dilnay wadarta guud 112, waxaa maxbuus ahaan looga qabtay 55, meello kala duwan ayaa lagu hayaa, kuwa dhintay waxay ku kala dhinteen dhanka Garacad iyo Suuj, waxaan kaloo idiin sheegaynaa in dagaalyahannada la dilay uu ku jiro shaqsi cadaan ah oo Ajnabi ah isna baaritaan baan ku haynaa” ayuu yiri Wasiir Soocadde.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in weli aanu dhammaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab, islamarkaana dagaalka uu socon doono inta uu sheegay inay ka ciribtirayaan Al-shabaab.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Al-shabaab iyo kuwa maamulka Puntland ayaa ka dhacay deegaanno ka mid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada